January 25, 2025

Wararka ka imaanaya Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in in uu halkaas  ka socda   shir looga hadlayay arrimaha amniga wadamada Bariga Afrika , kaas oo ay ka qayb galeen dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka qeyb galayso shirkaas, Waxa uu ka dhacay shirkan magaalada Mambasa ee dalka Kenya halkaas oo xubnaha ay isku waydaarsadeen xogaha la xiriira arrimaha amniga Qaaradda afrika.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wadamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Sidoo kale Madaxda sirdoonka dalalka gobolka ayaa qorsheynaya in la gaaro Bariga Afrika oo nabad ah, kana caagan wax kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida umadaha ku nool.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply