Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta xarunta dhexe ee NISA kusoo dhoweeyay Taliyaha cusub Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Labada Taliye ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan xarumaha kala duwan ee NISA iyaga oo u kuurgalay shaqooyinka ka socda sidoo kalana la kulmay saraakiisha iyo hawlwadeennada.
Sodoo kale Maalinta berri ah ayaa la qorsheynayaa in ay dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo Taliyaha cusub ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Xafiiska Wararka Muqdisho