Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay maleeshiyaad ka soo goostay kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.
Kooxda isasoo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood kana soo goostay Khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad sugidda magaalada Baydhabo, waxaana raggan isasoo dhiibay ay Khawaarijta u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraa Jabhadaha.
Sidoo kale arintaan ayaa muujinaysa gabaldhaca soo gaaray maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku xooganaa deegaanada Konfur Galbeed ee Soomaaliya
Xafiiska Wararka Muqdisho