Turkeya ayaa sheegtay in wararka been ah looga dan leeyahay leexinta xaqiiqda, loona wiiqo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
“Doodaha baraha bulshada ee isku dayaya in Turkiga loo sawiro sidii dal kaliya ka faa’iideysanaya sahminta saliidda Soomaaliya waa warar aan sal
lahayn oo ujeedkoodu yahay in lagu dhaawaco iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga.
Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka Turkiga: Heshiiska ay wada saxiixdeen TPAO) iyo hay’adda batroolka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin kaliya shacabka Soomaaliyeed.
Ankara ayaa sidoo kale tilmaamtay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi wadajir ah, una dhexeeya laba dal oo madax-banaan.
Sidaas darteed, waxaan si gaar ah u boorrineynaa in aan la rumeysan wararka been-abuurka ah iyo macluumaadka marin-habaabinta ah ee lagu bartilmaameedsanayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada
Turkiga ayaa maalmo ka hor soo sagootiyay markabka Cağri Bey, kaas oo ku soo wajahan Soomaaliya, si uu howlgal shidaal qodis ah uga fuliyo xeebaha dalka.
Markabkan oo ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa ayaa door muhiim ah ka qaadanaya soo saarista khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.
Hawl-galkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.
Si kastaba, hawlaha qodista ayaa la filayaa in bilaabo bisha April ee sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.