April 26, 2024

 

Ugu yaraan 40 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Waxay ku bilaabatay buuq, dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro Jimcihii laakiin tirada dhimashada lama soo sheegin ilaa hadda.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa saraakiil ayaa sheegtay in in ka badan 70 qof ay dhinteen.

Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah.”

Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dhimashadu ay ka badan tahay 40 qof.

Dowladda Mali ayaa bulshooyinka ku nool agagaarka goobaha macdanta ka codsatay inay u hoggaansamaan shuruudaha badbaadada oo ay ka shaqeeyaan kaliya meelaha loo qoondeeyay in dahabka laga qodo.

Shilalka macdanta ayaa ku badan dalka Mali iyadoo inta badan macdan qodayaasha aan sharciyeysneyn ay adeegsadaan habab aan ammaan ahayn si ay u qodaan dahabka.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply