September 9, 2024

Urur goboleedka ECOWAS ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Senegal oo doorashada madaxtinimo ay dib u dhacday ilaa bartamaha December.

Bayaan uu soo saaray Talaadadii, ECOWAS “waxay ku talinaysaa in laga hortago fal kasta ama hadal kasta oo ka hor iman kara qodobada Dastuurka dalka” oo ay dadka ugu baaqayaan in ay nabadda ilaashadaan.

“Siyaasiyiintu waa in ay si degdeg ah u qaadaan tillaabooyin lagu soo celinayo jadwalka doorashada si waafaqsan qodobbada dastuurka Senegal”

Waxa ay sidoo kale ku boorinaysaa saraakiisha amniga in ay si buuxda u xakameeyaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan muwaadiniinta.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Aminata Toure ayaa qoraal ay soo dhigtay online-ka ku cambaareysay ansixinta sharciga.

Ugu yaraan 150 ayaa la xiray laba maalmood oo mudaaharaadyo ah.

Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa qorsheynaya in ay maxkamadda sare horgeeyaan go’aanka madaxweyne Salal ee uu dib ugu dhigay doorashada.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply