January 25, 2025

Ardayga ugu deeynta badan UK ayaa deynta lagu leeyahay wax ay ka badantahay £230,000, sida ay mujineyso xog ay heshay BBC News.

Lacagta ugu badan ee uu arday markii uu qalinjabiyay uu dib u bixiyay waxa ay gaareysaa £110,000, tirooyinka ayaa muujinaya, arday kale oo deyn lagu leeyahay oo lacagta dul saar ahaan kaliya u fuushay deyntiisa ay tahay ku dhawaad ​​£55,000.

Xogta waxaa sii daayay Shirkadda Amaahda Ardayda (SLC) ka dib markii ay BBC codsatay Xorriyadda Macluumaadka (FOI).

SLC waxa ay sheegtay in ardayda ka qalin jabiyay dalka Ingriiska ay ka baxaan jaamacada iyagoo deyn ahaan ugu qaameysan dayn dhan £44,940.

Mid ka mid ah ururrada ardayda ayaa tirooyinkan ku tilmaamay “runtii mid lala ilmeeyo” iyo in Ururka Qaranka ee Ardayda (NUS) ay su’aalo ka keeneen nidaamka maalgelinta jaamacadda.

Si kastaba ha noqotee, kiisaska aadka u daran waxay ahaayeen “wax aan caadi ahayn”, ayuu yiri Ben Waltmann, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Mac-hadka Daraasaadka Maaliyadda, isaga oo intaa ku daray in deymaha ugu sarreeya aanay ka turjumi doonin dhammaan waayo-aragnimada qalin-jabinta”.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply