January 25, 2025

 

Wafdi ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

 

Wafdigan ayaa ka kooban xubno ka socda sirdoonka Itoobiya, milatariga dalkaas iyo saraakiil kale oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo maalmihii u dambeeyay iskaashi toos ah la sameyneysay madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ka socda Itoobiya loo sii gudbiyay deegaano dhaca dhanka xeebta oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada Garoowe oo ku aadan saraakiisha ka socda Itoobiya oo shalay  diyaarad gaar ah ay ka dajisay magaaladaasi.

Dhawaan madaxweyne Deni ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay caasimadda Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda saree ee dalka Itoobiya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply