Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu dalka ka bixi doono bisha December ee soo socota.
Balse, wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu jiridoono howl-gal cusub oo daba socda bixitaanka ATMIS, kaas oo uu ku sheegay inuu kaa dambeeyay codsi rasmi ah oo ay Soomaaliya ka gudbisay.
“Codsiga rasmiga ah ee Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka daba-galka ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sii wado taageerada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Soomaaliya,” ayuu Souef ku yiri hadal uu ka soo saaray Muqdisho.
Hadalka ergayga Midowga Afrika ayaa daba socda booqasho uu Isniintii ku tagay magaalada Dhoobley ee maamulka Jubaland si uu u xoojiyo howlgallada taageerada nabada ah ee socda, korna loogu qaadayo niyadda ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho