Wararka ka imaanaya  deegaanka  deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd oo caawa ah ay ka dhacday  arrin mucjiso ah, kadib markii nin dhagar qabe ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab uu laayey qoyskiisa.

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa saxaaxada u Xaqiijiyay in  qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka u waynaa

Odagii qaraxa sameynayey iyo labadii carruurta aheyd ayaa geeriyooday, halka hooyadii reerka dhaawac culus goobta looga qaaday. arrintaas ayaa

Sidoo kale Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii.

Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah.

Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply