Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay saacado kadib inay soo afjaraan weerarkii kooxda Al-Shabaab ee hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa waxay wada toogteen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda ee ka dhex dagaalamayey dhismaha hoteelka,.
Weerarkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana ugu dambeyntii goordhoweyd lagu guuleystay in lasoo afjaro.
Masuuliyiin ku dhaawacmay Weerarka ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.
Sidoo kale Dagaal-yahaanadda kooxda ayaa xalay xoog ku galay dhismaha hoteelka kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga, markaasi oo la maqlay qarax weyn, kaasi oo ay xigtay rasaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho,