Waxaa goor dhawayd Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay soo xireen guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo loo haysto Al-Shabaabnimo.
Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in muwaadinkan ay ku daba joogtay mudo, ayna ku hayso Cadaymo badan oo ku aadan Alshabaabnimo.
NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir uu ka tirsanaa Al-Shabaab, muddana uu ku dhex dhuumanayay dowladda.
.Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Abuukar uu Al-Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, isla markaana uu tababar Sirdoon kusoo qaatay magaalada Baraawe.
Abuukar Axmed Caddow Tifoow wuxuu 2019-kii ilaa 2020 uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley, sidoo kale intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 wuxuu soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degmada Wadajir
Xafiiska Wararka Muqdisho