September 14, 2025

Dhacdo halis ah ayaa looga dhawaaqay waqooyi bari London, sida uu sheegay xildhibaanka Wes Streeting, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dhowr qof lagu tooriyeeyay meel u dhow xarun gaadiidka dadweynaha laga raaco.

Booliska caasimadda ayaa sheegay in nin loo xiray, waxa ayna soo saareen faahfaahin dheeraad ah.

“Booliska iyo kuwa kale ee gurmadka degdegga ah ayaa ku sugan Hainault, oo ah bariga London, halkaas oo ay ka dhacday dhacdo halis ah,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay.

“Waxaa nala soo wacay wax yar ka hor 07:00 BST, waxaana naloo sheegay in gaari lagu galay guri ku yaala agagaarka jardiimooyin ku yaalla Thurlow, waxaa jira warar sheegaya in dad lagu weeraray.

“Nin 36 jir ah ayaa goobta lagu qabtay, xabsiga ayaana lagu hayaa.”

Booliisku waxay “ogaadeen” in tuhmanuhu uu ku guda jiray inuu weeraro xubnaha kale ee dadweynaha, iyo laba sarkaal, lama oga xaaladda dhibbanayaasha

Booliisku waxay rumeysan yihiin inaysan jirin khatar socota hadda, dhacdadanna aysan la xiriirin argagixisanimo.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply