October 10, 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Sidoo kale Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Isniinta berri ee 11-ka Maarso ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii meel kala duwan dad jooga ay sheegeen inay arkeen bilashada bisha, halka Jamaal Axmed Mayow oo jooga degmada Awdheegle uu ku dhaartay inuu arkay bishii oo galabta dhalatay.

Sacuudiga ayaa goor sii horeysay oo caawa ah xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply