January 18, 2025

 

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku cayriyeen safiirka Itoobiya u joogay Soomaaliya.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiisa  ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta la xiray Qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe & Hargeysa ee maamulada Puntland iyo Somaliland.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo  in muddo soo jiitamayay.

Shalay  Dowladda  Itoobiya ay heshiis la gashay wafdi ka socday maamul goboleedka Puntland kuwaas oo tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale Labada dal  xiriirkooda soo jireenka ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn waxaan dhaxmaray dagaalo badan oo ay ku dhinteen dad badan oo labada dhinac ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply