Wararka ka imaanaya caawa magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Warqad Wiifto ah oo lagu diidan yahay dhameystiro dastuurka Soomaaliya laga soo saaraay caawa Saq dhexe.
Maamulka Puntland ayaa qoraal dheer ah oo uu soo saaray ku sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in isbeddel lagu sameeyo ama la dhameystiro dastuurka Soomaaliya oo la filayo in uu dhowaan u codeeyo baarlamanka Soomaaliya.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in isku daygan uu yahay mid meesha looga saarayo dastuurkii lagu heshiiyey, laguna beddelayo dastuur cusub oo masaaliix gaar ah ay ka dhex arkaan madaxda dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay.
Warqada Wiiftada uu caawa soo saaray Waqti danbe Siciid deni ayaa u eg 3 Sano ka hor Warqadihii Wiiftada ahaa ee uu soo saari Jiray Farmaajo Xiligii uu ku fashilmay isku haynta Umada Soomaaliyeed iyo dowladnimada Soomaaliya
. Dowladda Puntland waxay u caddeynaysaa Madaxeynaha Soomaaliya, Guddoonka iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan (US, UK, EU, UN, AU, Denmark, Sweden, Germany, Switzerland, Norway, Qadar, Turky iyo UAE) in haddii la meel mariyo isku dayga samaynta Dastuur cusub aysan Dowladda Puntland u hogaansami doonin, aqoonsanna doonin, kuna dhaqmi doonin wax- kabedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn.
Xafiiska Wararka Muqdisho