Waxaa goor dhawayd soo idlaaday kulankii u socday baarlamaanka Soomaaliya eek u aadana wax ka badalka dastuurka oo bishii la soo dhaafay aad looga hadal hayay Somaliya.
Wararka ayaa sheegaya in goor dhawayd cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka baarlamanka Soomaaliya, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.
Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.
Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.
Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.
Xafiiska Wararka Muqdisho