Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho kuwaas oo geestay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.
Kan labaad waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo oo aan ka fogeyn xero Gaadiid, isla dehmada Cabdicasiis, faahfaahina lagama helin khasaaraha uu geystay.
Sidoo kale Midka saddexaad ee la ogaaday halka uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyey inuu ku soo dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan meel banaan ah, wax khasaare ahna ma geysan.
Sidoo kale Ciidamada ammaanka ayaa deg deg ugu baxay goobihii loo maleynayey in laga soo tuuray hoobiyeyaasha.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay muddooyinkii dambe, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.
Xafiiska Wararka Muqdisho