September 12, 2024

 

Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya  dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  nin kamid ah dadka deegaanka uu walaalliis ka yaraa si arxan darro ah ugu dilay magaaladaas.

 

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Howlwadaag ee degmada Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Muuse Saxanjadiid, waxaana uu dilay walaalkiis oo isna lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Arintaan oo kale ayaa  maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, waxaana ay ahayd shalay markii magaalada Muqdisho, hooyo ay ku dishay laba carruur ah oo ay dhashay, taas oo la sheegay inay qabtay xanuun dhanka dhimirka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply