October 5, 2024

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, booliiska ayaa dhowr iyo labaatan qof dhowaan xabsiga u taxaabay, iyadoo sidoo kale 117 xabbo oo haamaha shiishadda ah lagala wareegay dadkaas.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay xaruun ku taalla xafadda Kilimani kadib howlgal habeenimadii Jimcaha ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan la dagaalanka Maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NACADA.

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hoggaaminayay howlgalka ka dhacay beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka isticmaala Shiishada.

Dhuuqidda shiishadda ayaa caan ka noqotay Kenya, gaar ahaanna da’yarta dhexdooda, iyadoo lagu cabi jiray baararka dhexdooda. Kuwo ka sameysan khudradda ayaa aad looga isticmaali jiray Kenya.

Xafiiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply