Wasaaradda arrimaha dibadda wadanka Bangladesh ayaa diiday codis ay usoo gudbiyeen ciidanka badda ee dowladda Hindiya iyo kuwa howlgalka Midowga Europe ee Operetion ATLANTA si fara galin Milateri loogu soo bad baadiyo Badmaaxiinta u dhashay dalka Bangladesh ee lagu haysto Xeebaha Bariga Somalia.
Sidoo kale, milkiilaha shirkada SR Shipping Limited ee leh Markabkaasi ayaa walaac xooggan kamuujiyay qorshahaasi, waxa uuna walaac kamuujiyay khatarta ku imaan karta nolasha 23-kaas badmaaxiyiinta ah oo afduub lagu heysto iyaga iyo Markabkooda MV Abdullahi.
Sargaalka fulinta shirkada SR Shipping Limited ayaa sheegay in ay diideen fasaxa howlgalka Milateri ee Hindiya iyo Midowga Europe ku doonayaan in ay kuweeraraan Markabkaasi.
Dhanka kale, labo Markab oo kuwa dagaalka ah oo kala leeyihiin Operation ATALANTA iyo ciidanka badda ee Hindiya ayaa doonaya in howlgalka wadajir ay kuqaadaan Markabkaasi iyo badmaaxiyiintiisa si loo soo badbaadiyo Markabka xamuulka ee MV Abdullahi oo laga khafaashay xeebaha Soomaaliya.
Komaandooska Ciiddanka Hindiya waxay Sabtidii la soo dhaafay fuliyeen Hawlgal Khaas ah oo ay ku weerareen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr bilood afduub u haysteen Markabka Xamuulka ee MV RUEN.
Ugudambeyn, hawlgalkaasi waxaa lagu soo badbaadiyey Badmaaxiintii la socotay, halka ilaa 35 Burcad-baddeed Soomaali ah isku dhiibeen Ciiddanka Hindiya oo iyagana ku sii wareejiyey Dowladda Bulgaria.
Xafiiska Wararka Muqdisho