March 25, 2025

 

 

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud,.

 

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan uu daaran yahay  shirka la tashiga bulshada rayidka ah ee dib-u-eegista dastuurka oo ay ka qeyb galayaan bulshada labeenteeda.

 

Furitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa wasiiru-dowlada iyo wasiir ku-xigeenka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga la socodka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Sidoo kale Shirka oo ay soo qabanqaabiyeen hey’adaha dib-u-eegista dastuurka u xil-saaran ayaa ka qeyb galayaashu kusoo gudbinayaan taladooda ay doonayaan in lagu biiriyo cutubyada dastuurka ee baarlamaanku doodooda ku jiraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply