April 27, 2024

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayso Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Marwo Nuura Mustaf iyo Wasiir ku-xigeenka, ayaa Agab waxbarasho ku wareejiyay Guddiga Xabsiyada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga, ayaa umahadceliyay doorka Wasaaradda ay ka qaadatay in ardayda Maxaabiista ah ay helaan manhaj waxbarasho inta ay maxbuuska yihiin si marka ay ka soo baxaan Xabsiga u noqdaan kuwo ku shaqaysan kara waxa ay barteen.

 

Agabkaa ayaa isugu jiray Buugaag, Qalimaan iyo qalab kale. Guddiga Xabsiyada ee Golaha Shacabka, ayaa qalabkaan ku wareejiyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, Taliyaha ayaa si aad ah ugu mahad-celiyay Guddiga iyo Wasaaradda.

Ugu dambayn Wasaaradda iyo Guddiga waxay soo kormeereen fasalada ay ardayda Maxaabiista ah ay wax ku bartaan, wuxa ayna Guddig iyo Nadaxda Wasaaradda halkaa ku soo arkeen inay jiraan baahi dhan walba ah oo loo baahan yahay in wax laga qabto

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply