September 12, 2024

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa oo eedayn u jeediyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi  Cabdi oo uu sheegay in uu Caburin ku hayo dadka dagan gobolada Waqooyi ee Somaliya gaar ahaan  dadka dagan  gobolka Awdal.

Maxamed Cali Xagaa ayaa fariin culus u dirau  taliyaha ciidanka Itoobiya kadib markii wareysi uu  bixiyay uu ku sheegay in ciidamada Itoobiya 60% ay katilyaan gudaha Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cali Xagaa ayaa waxa uu intaasi kudaray in Muuse Biixi uu bilaabay in uu caburiyo dadka deegaanka iyo Saxafiyiinta ka howlgasha gobolka Awdal iyo qofka kasto oo reer Awdal ah.

“Xalay magaalada Ceelsheekh waxaa laga soo qabtay cuqaashii diiday inay halkaas tagaan guddi uu Muuse u xil-saartay inay fuliyaan heshiis ku sheegii uu badda ku siiyey Itoobiya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin, waad la socotaa wixii kaa raacay Goojacadde iyo Laascaanood, Muusow wax aad walaalnimo ku weysay xoog ku gaari meysid ee ka jog waxaad faleysid,”

Sidoo kale Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa ayaa u sheegay Muuse Biixi in uusan awood iyo xoog ku maquunin karin dadka dagan deegaanadaas.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply