October 10, 2024

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange  oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa eedayn u jeediyay  madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  mar kale   war xasaas ah kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin  mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mashaariicdaas oo ku kacaya boqolaal milyan oo dollar ay u xayiran yihiin saxiixa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku eedeeyay Deni inuu caqabad ku yahay shacabka Puntland, maadaama ay muhiim u yiihiin dhammaan mashaariicdaas oo ay diyaarisay dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aysan garanayn sababta madaxweyne Deni uu ku hor istaagan yahay in mashaariicdan loo fasaxo dadka reer Puntland.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply