Wararka ka imaanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas ay gareen xubno sar sare oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.
Wasiirka Duulista Hawada, Cabdillaahi Bile iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si heer sare waxa waxa loogu sii dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Weftigan Duulista Hawada ee Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.
Sidoo kale Talaabadan ayaa la sheegayaa in ay tahay mid markale ay ka caraysiin karto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xiriirkooda aan wanaagsanayn Itoobiya.
Xafiiska Wararka Muqdisho