Ciidamada Xoogga dalka qaybta 60aad oo kaashanaya Ciidamada Amniga Koofur galbeed ayaa ayaa dhaqdhaqaaqo ka dhan ah Al -shabaab ka bilaabay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaano dhaca xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku yaala gobolka Bakool.
Masuuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa halkaasi ka wada qorshe ay sheegeen in lagu billaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo dhawaan ka billaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed.
Deegaannada ku yaalla xad ay wadaan Soomaaliya iyo itoobiya ee kuna yaalagobolka Bakool, ayaa waxaa ka socda Abaabul iyo diyaar garow ku aadan wejiga labaad ee Hawgalada ka dhan ah Alshabaab
Wasiirka Amniga Koofur galbeed iyo masuuliyiinta la socota ayaa kulamo lagu dardar galinayo howlgalka wajiga labaad la qaatay qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan deegaanada Yeed, Aato, Washaaq iyo deegaano kale.
Wasiirja Amniga Koofur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa Faah Faagin ka bixiyay Abaanulka socda degaanada gobolka Bakool ee lagula dagaalamayo Alshabaab ………….Cod
Diyaar garowga Wejiga labaad la dagaalanka Alshabaab ee ka socda degaanada Xad gobolka Bakool uu la wadaago dalka Itoobiya ayaa ku soo aadaya Xilli Alshabaab weli ay ku xooggan yihiin degaanada Koofur galbeed halkaas dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan
Xafiiska Wararka Muqdisho