Wararka ka imaanaya xadka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Wajigii labaad ee shirka dib u hishiisinta beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalmay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Ceelbaraf iyo jalalaqsi ee Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe ayaa maanta ka socda degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan
Wararka ayaa sheegaya in Madaxda ka qeybgalaaysa shirkaas Nabadeed ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle isla markaana ay wehliyaan wasiirada Maaliyada ,Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabelle iyo Gudoomiyaasha Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Madaxda ayaa labada dhinac ee Odoyaasha dhaqanka ugu mahadceliyey sida ay ula shaqeeyen Maamulka iyo laamaha Amniga balantii xabad joojinta ay dhaqan galiyeen.
Sidoo kale Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in Guulo laga gaaray dib u heshiisiinta labada beelood ee ku dagaalamay xadka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe
Office Nairobi Kenya