Dalka Cumaan ayaa hadda ka hadlay duqeymaha Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

wasiirka arrimaha dibadda ayaa  muujiyay “walaac weyn oo ku aaddan xiisadda gobolka oo sii kaceysa”.

Sidoo kale Bayaan uu la wadaagay Wakaaladda Wararka Cumaan, Badr Albusaidi waxa uu dhaleeceeyay waxtarka weerarrada aargoosiga ah ee Mareykanka fuliyay, isagoo xusay in “falalka noocan oo kale ah ay wax u dhimayaan ammaanka gobolka, xasilloonida, iyo dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha sida rabshadaha iyo xagjirnimada”.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply