December 4, 2024

Dunidu waxay eegaysaa jawaabta Israa’iil ay ka bixin karto weerarkii ay Iiran ku qadan dalkeeda, kaas oo loo adeegsaday diyaarado an duuliye lahayn iyo gantaallada. Laakiin xulufadeeda ayaa Israa’iil ku booriyey inaysan ugu darin xiisadda hada kacsan.

Madaxda dalalka reer galbeedka ayaa Israa’iil ku booriyey inay ka fogaato inay xaaladu sii xumaato.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in Israa’iil ay “difaac ahaan ku guulaysatay” khilaafka kala dhexeeya Iran, ayna waajib tahay in aanay xiisad ka dhicin gobolka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku biiray baaqyada la jeedinayo Israa’iil ee ah in la ilaaliyo degenaanshaha, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si looga fogaado xaalad xiisad abuurta.

Sidaas oo kale xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameroon ayaa BBC u sheegay “in Israa’iil ku saxan tahay inay u jawaabto Iiran, balse wuxuu ku booriyey ina taxaddaraan xilligan”

Sidoo kale Sarkaal u hadlay Iiran ayaa sheegay in dalalka galbeedku joojiyana eedeymaha ay u jeedinayaan dalkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply