October 10, 2024

\Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay in muwaadiniinta dalkeeda ee ka dagaallamaya Gaza iyagoo la jira ciidamada Israel la xiri doono marka ay dalka ku soo laabtaan sid ay sheegtay wakaaladda wararka AP.

“Hore ayaan u soo saaray qoraal aan uga digayo kuwa u dhashay Koonfur Afrika ee dagaalka ku jira.. diyaar ayaan u nahay. Marka aad soo laabataan, waa idin xireynaa’” ayey ka sheegtay munaasabad horaantii toddobaadka dhacday oo Falastiin lagu taageerayay. Ma cadda inta qof ay saameyneyso

Koonfur Afrika ayaa hore u sheegtay in muwaadiniinta ka qeybgala dagaalka dacwad lagu soo oogi doono.

Wargeyska Haaretz ayaa Arbacadii soo xigtay militeriga oo sheegay in ciidamada Isreal ka shaaqeynayaan sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen khataraha xagga ammaanka iyo sharciga ay la kulmaan ciidamada marka ay dibadda u safrayaan.

Koonfur Afrika ayaa aad uga soo horjeeday dagaalka Israel ee Gaza kaas oo ay ku dhintaan dad aad u badan. Sidoo kale waxay dacwad ka geysay maxkamadda caalamiga ee ICJ

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply