April 30, 2024

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Chen Wendi oo ugu yimid booqasho sharafeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo kobcinta dhinacyada iskaashi wadaagga iyo isku-duwidda si looga guul keeno nacfi is-dhaafsiga.

Sidoo kale Wadahadalka ayaa lagu fallanqeeyay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo lagu muujiyay suuragalnimada kobcinta iskaashi dhinacyo badan ku suntan. Labada dhinac waxa ay carabaabeen sida ay uga go’antahy kobcinta iyo horumarinta iskaashiga, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan caqabadaha heer gobol iyo heer caalami.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply