Wararka ka imaanaya Itobiya ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay maalmo kadib markii ugu horreysay ka hadashay weerarkii lagu qaaday xerada Janaraal Gordon ee saraakiil Imaaraat ah ay ku tababarayeen ciidamo Soomaali ah.
Weerarkaas oo dhacay habeenkii ay soo galeysay Axada waxaa lagu dilay afar sarkaal oo sare oo uu ku jiro mid u dhashay Baxreyn oo qeyb ka ahaa howlgalka Imaaraatka ee tababarka ciidamada Soomaalida.
Wasiirka cusub ee arrimaha dibeda ee Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Imaaraatka.
Waxa uu ku tilmaamay weerarka mid weyn oo xun, waxa uuna xusay inay Itoobiya cambaareyneyso.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibeda waxa uu sidoo kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya isaga oo cambaareeyay weerarkaas.
Office Nairobi Kenya