September 9, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika  Mudane Suldaan Saciid Axmed.

Inta kulankani socday. arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa;  Dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhalinyarada.

Sidoo kale maalin ka hor ayay ahayd Markii Wasiirka arimaha dibada Fiqi uu kulan Nuucaan oo kale ah la qaatay  Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika  Suldaan Saciid Axmed.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply