\Wasiirka Arrimaha Gudaha, Soomaaliya iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya Cabdullahi bin Mudlaq alcutaybe .
Inta uu kulanku socday, arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; howlaha dib u heshiisiinta , Xasillinta dalka Soomaaliya iyo iskaashi dhexmara Wasaaradda iyo Jaamacadda Carabta ee dhinacyada nabad-dhiska Soomaaliya iyo arrimo kale.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen qilaafka itobiya iyo Somaliya iyo falkii foosha xumaa ee Madaxweyne Xasan shekh lagula kacay shirki Midowga afrika ee ka dhacay Adis ababa shalay ee loo diiday in ay raacaan ilaalada Madaxweyne Xasan shekh.
Xafiiska Wararka Muqdisho