Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday dalka dibadiisa qaar ka mid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Dhaawacyada la qaaday ayaa u badnaa kuwa qaarkooda aad u liita , halka kuwa kalena ay xaaladooda ay tahay mid iska caadi ah .
Ku dhawaad 20 qof oo Mas’uuliyiin dowladeed ah oo ku dhaawacmay qaraxii Hotel SYL ayaa maanta loo qaadayaa dalka Turkiga si halkaas loogu soo daaweeyo.
Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka sagootiyay dhaawacyadan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasiirka caafimaadka Dowlada Somaliya uu sheegay mar uu saxaafada kula hadlay Garoonka in qaarkood dhaawacooda aan waxba looga qaban karin Dalka
Xafiiska Warara Muqdisho