.
Wararka ka imaanaya magaalada Doxa ee Dalka Qadar ayaa sheegaya in Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi uu la kulmay Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in labada Wasiir Xasan Macallim Maxamuud iyo Kan Doxa Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ay kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ee laba dal.
Sidoo kale Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.
Xafiiska Wararka Muqdisho