October 5, 2024

Wasiirka difaaca Jarmalka ayaa ku adkeystay in xulafada NATO ay wali ku kalsoon yihiin dowladiisa, inkastoo Ruushka uu farageliyay kulan militari oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan Ukraine.

Boris Pistorius ayaa sirta baxday ku eedeeyay hal qof oo qalad sameeyay. Waxa uu sheegay in qofku uu soo wacay taleefan isaga oo siticmaalaya waxa uu ku tilmaamay qad aan loo oggolayn.

Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay ciidamada Jarmalka — Boris wuxuu sheegay in Kremlin-ka uu doonayo in uu kala qaybiyo oo uu xasilooni darro ka abuuro dalkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply