January 25, 2025

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowsa Cigaal  ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya sharciyad buuxda u leedahay maamulka hawadeeda, Waxana  Somaliland ay ugu baaqday inay nidaamkii lagu wada shaqeyn jiray ku soo laabtaan.

“Somaliland awalba waan wada shaqeyn jirnay, hadda waxaa miiska saarnaa inay heshiisyo naga codsanayeen, haday jiraan waxay ka cabanayaan diyaar baan u nahay xalkeeda, Talaabadii koowaad ee lagu ilaalinaayey badqabka duulimaadyada isticmaala hawada dalkeena waan qaadnay” ayay tiri wasiir Fardowsa Cigaal,

Wasiir Fardowsa Cigaal ayaa sheegtay in maamulka Hargeysa ay raadeerkii loogu talagalay inay kula hadlaan diyaaradaha magaalada Hargeysa imaanaya ku carqaladeyeen hawada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay hadii laga waantoobi waayo la qaadi doono talaabooyin lagu xadidayo shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Sidoo  kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawad Soomaaliya  ayaa dhanka kale sheegtay in hawada Soomaaliya tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo tilmaantay in airspace Soomaaliya boqolkiiba 60 yahay dhanka badda halka 40-ka kale yahay Bariga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply