Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac.
Wasiirka ayaa kala hadlay horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale Kulanka ayaa lagu falanqeeyey waxyaabaha mudnaanta u leh Wasaaradda gaar ahaan samaynta aaga dhaqaalaha ee wadanka, fududeynta ganacsiga, iyo weli ba horumarinta iyo taageeridda ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhaxe si kor looggu qaado shaqo abuurka.
Xafiiska Wararka Muqdisho