September 12, 2024

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa  kulan kula qaatay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

 

Wasiir Biixi Imaan Cige oo la hadlay Saxaafada kadib kulanka Safiirka ayaa sheegay   in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.

Sidoo kale Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply