Xukumadda Somaliland ee uu Hogaamiyo Muuse Biixi ayaa u jawaabtay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiilada Mareykanka, hadal ay maalmo ka hor ka sheegtay heshiiskii is af garadkja ahaa ee Aby axmed iyo Muuse Biixi.
Ilhaan ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.
Sidoo kale Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.
Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.
Office Nairobi Kenya