Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay wehliyaan siyaasiyiin deegaankaas ah.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta reer Awdal ugu horeyn uga mahadceliyay sida ay ugu soo horjeesteen damaca Itoobiya ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sido kale kulanka ka sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka .
Xildhibaannada labada gole iyo siyaasiyiinta reer Awdal ayaa dhankooda sheegay inay diidan yihiin ayna marnaba aqbali doonin damaca soo jireenka ah ee Itoobiya ku dooneyso iney ku yeelato bad, islamarkaana ay uga go’an tahay ka hortaga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed, .
Sidoo kale Gabagabadii Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya aya hoosta ka xariiqay in dowladda Fedaraalka marnaba aysan gorgortan ka gali doonin wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.
Office Nairobi Kenya