Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka qayb galay Shirka 33-aad ee Wasiirada Beeraha Afrika, oo lagu qabtay magaalada Rabat ee Dalka Morocco.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-habeynta iyo horumarinta nolosha Beeraleyda yar yar (Rural transformation) iyo baridda Beeraleyda laqabsiga iyo u adkeysiga isbedelka cimilada.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud FAO, Guddiga Midowga Afrika ee Beeraha, Wakiilo ka socda Caalamka iyo Quburo ku xeeldheer arrimaha Beeraha, iyada oo Soomaaliya shirkaan uu ku matalayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply