Wararka ka imaanaya Wasaaradda Beeraha Somaliya ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,uu qaabbilay wafdi ka socda Midowga Yurub.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya, Jens Hoegel oo ah madaxa kooxda u adkaysiga kaabayaasha dhaqaalaha. oo uu wehlinayo Luco Pagliara oo ah Maamulka Barmaamijka wax soo saarka ee Somaliya iyo wakiillo ka socda (NIRAS).
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka , Maxamed Cabdi Xayir Maareye, ayaa xubnahan lagaaray heshiis lagu xoojinayo haqab_beelka cuntada iyo kobcinta horumarka loo dhan yahay.
Xafiiska Wararka Muqdisho