January 25, 2025

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya  Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Taliyaaniga iyo Agaasime goboleedka Hey’adda iskaashaiga Caalamiga ah ee Taliyaaniga ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socdey Taliyaaniga ayaa kormeerey qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sidoo kalena kulan xog waraysi ah kula qaatay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka, xafiiska agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Taliyaaniga ee Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena bogaadiyay tallaabooyinka yididiilada leh ee uu maamulka Isbitaalka ku horumarinayo adeeg bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino u hayo bulshada Soomaaliyeed.

 

.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply