Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Isbitaalka Ordgan ku booqday Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay xalay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey Hotelka SYL.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada lasoo gaarsiiyey Xalay
Sidoo kale Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xogwareysanayey dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeeleeyeen Al-Shabaab.
.
Xafiiska Wararka Muqdisho