Wasiirka Wasaaradda Difaaca Somaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.
Sidoo kale Wasiirka Difaaca ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho