December 4, 2024

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegaya in Wafdigaan uu hoggaaminayey Etienne Peterschmitt oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya Kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Wasaaradda iyo hey’adda FAO, iyo dardargelinta mashaaricda horutebinta u leh horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.

 

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply