September 9, 2024

 

24  saac kadib Markii ay ka soo wareegtay magacaabista Golaha Wasiirada oo qaarkood horay Wasiiro u ahaa, ayaa waxaa arintaas ka hadkay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse olo asna ka mid ah Xukuumada haatan jirta.

Haruuse ayaa qoraal uu soo saaray ugu habmalyeeyay magacaabista Wasiirkii hore ee arimaha gudaha  Axmed Macalin Fiqi oo haatan  ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Huruuse ayaa ugu horreyntii farriin hambalyo ah u diray wasiir Fiqi oo ay iskula jireen golaha wasiirada ee xukuumadda haatan jirta ee DanQaran.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Mudane Wasiir Axmed Macallin Fiqi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Intaasi kadib wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa saddex qodob kasoo saaray magacaabista wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo in loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiirka cusub u rajeynayaa guul, waxaanna ula shaqayn doonaa si hagar la’aan ah. Insha Allah” ayuu kusii daray qoraalkiisa

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply